Tani waa Money from Sweden

Money from Sweden waa bogg internet oo dowlada maalgaliso oo isla barbar dhigo qiimaha qarashka iyo sarrifka lacagta oo wadamada kale loo diro. Iswiidhan waxaa laga helaa bangiyo, shirkado, wakiilo iyo rugagta maalgelinta oo adiga kuu suurta galinaayo inaa lacag wadamo kale u diri kartid. Anaga shaqadeyna baa waxey tahay inaa adiga kuu soo helno tan ugu wanaagsan iyo ugu dhaqso badan adeeg ahaan. Adeega oo bogga internetka bilaash, shirkadaha oo suuqaan wuu ka madaxbannaan yahay, oo waxaa isku daba ridkiisa ka dambeeyso Hey’adda macmiisha[Konsumentverket].

 Sababta      

 Anaga hadafkeena waa inaa badino furfurnaanshada iyo inuu tartan wanaagsan ka jiro suuqa adeega oo lacag u dirida wadamada kale, waa tan loo yaqaan xawilaada.

 Anaga waxaa rabnaa xitaa inaa muujino doorka muhiimka ey ku lee yihiin dadka wadamada kale lacagta u diraan, oo horumarinta qeybo badan oo aduunka kamid ah, markey qoyskooda iyo qaraabada lacag u diraayaan.

Bogga Money from Swedan oo Hey’adda macmiisha mas’uulka ka tahay waxaa sabab u ah xilsaar dowlada ka imaaday. Dowlada toogteeda waxaa arrintaan u soo xilsaarteen qaramada midoobay, UN,  UN iyo Bangiga qaramada waxey ka warheleen in dadka lacago badan uga baxdo markey wadamo kale lacag u xawilaayaan. Haddii la helo bogg isla barbar dhigaayo qiimaha qarashka oo lacagta lagu xawilo waxaa markaas suurtagalaayo iney lacag badan ey gaarikarto dadka lacagta ku socoto.