Waxyaabahan baa adiga ka helikarta bogga isla barbar dhigaayo qiimaha qarashka

Bogga isla barbar dhigaayo qiimaha qarashka waxa ka hele shirkadooyinka ugu waaweeyn oo adiga ka heleysid adeega lacag xawilaada iyo wadamada aan baarnay oo lacagta loo diri karo. Anaga labo wax baa tusaale kaa siin: haddii aad xawileysid 1000 karoon ama 3000 karoon. Adiga ma dalbankartid lacag goan oo qaas ah.

 Cagaar micnaheeda waxey tahay inta qofka gaareyso

 Anaga waxaa ku tuseeynaa lacagta aad dalbatay inta oo qofka gaareyso. Taasna waa lacagta aad meesha cagaarka ka aragto. Meesha guduudka waxey ku tusin inta loo goostay qarashahaan iyo sarrif ahaan. Dhammaan shirkadaha waxey qofka ka qaadan qarash markey lacagta xawilaada lacagta wadankaas ugu sarrifaayaan.

Anaga waxaa ku tuseynaa ilaa inta ey ku qaadaneyso shirkad kasto ilaa inta qofka lacagta ka gaarsiinaayaan. Adiga natiijada waxaa u kala sooci kartaa kan ugu dhaqsanaha badan iyo ugu raqiiqisan lacag xawilaad ahaan.

 Digniin saddax geesle micnaheeda waa warbixinta qarsoon

Shirkadaha oo diido iney ka jawaabaan su’aalaha aan weeydiino waxaa ku calaamadeyneynaa digniin saddax geesle iyo calaamada la yaabka. Taasna waxey micnaheeda tahay iney u qaadan karan qarash si qarsoodi. Haddii aad shirkadahaan midkood aad dalbatid waxaa weeydiisa si sax ah inta gaareyso lacagta aad Iswiidhan ka xawishay taarikhda aad dalbatay.

 Inta kasii akhriso shirkadaha iyo adeegooda

 Adiga waxaa xitaa shirkad kasto hoosteeda ka heli warbixin dheere ah. Meeshaas baa waxaa ka heli kartaa adeegyo kale ey kuu suubinkaran oo quseeyo wadankaas aad dalbatay. Meeshaas waxaa kale oo xitaa ka heli shirkada booga internetkooda oo warbixin kale kasii akhrisan kartid. Anaga waqtigaan la joogo ma haysano fursad aan ku soo oggaankarno haddii lacag dheeri qofka laga qaato markuu wadankaas lacagta ka qaadanaayo. Weey wanaagsantahay inaa shirkada weeydiiso. Kasii akhriso meeshaan: Mas’uuliyada/Ku shaqo leheen