Faaiidooyinka kannaallada lacagaha lagu dirsado ee rasmiga ah
Kannaallada lacagaha lagu dirsado ee rasmiga ah, macnaha bangiyada iyo wakiillada, hawlahoodu waxay ku nidaamsanyihiin sharciga swiidhishka, shirkadahana waxaa koontaroolaya hey’adaha swiidhishka. Waxaa intaas dheer in ay jiraan xeerar nidaaminaya adeegyada caalamiga ah ee ku aaddan lacago diridda.
Sidaas darteed ayey fiicantahay in la doorto kannaallada rasmiga ah ee lacag diridda ee jira ee ah bangiyada iyo wakiillada, halkiiqof shacab ah wax loo dhiiban lahaa. Bangiyada iyo wakiillada waxay mas’uuliyadi ka saarantahay in ay lacagtu meesheedi gaarto. Mas’uuliyadda waxaa lagu nidaaminayaa shuruudo shaqeynaya marka lacagta la dirayo.