Sidee aan si raqiis ah lacag ugu diri karaa?
Marka aad lacag direysid shirkaduhu waxay qaataan lacago khidmo ah oo kala duduwan. Waxaad keydsan kartaa lacag adiga oo is barbar dhigaya lacagaha khidmada ah ee shirkadaha. Adiga oo doorta sida ugu fiican lacag badan ayaa ku gaari karta qofka aad u direysid.
Muhiim:
In wax badan la diro ayaa mar walba ka raqiisisan in kis-kis-yar wax loo diro
Waqti fiican waxa dirso; in saacado gudohood wax la rabo la diro wey ka qaalisantahay badanaa wax la dirayo oo dhawr maalin qaadanaya
Is barbar dhig siyaabaha kala duwan ee wax loo dirsado
Is barbar dhig shirkadaha iyo qiimaha
Isticmaal sicir is barbar dhigeheenna si aad u aragtid farqiga u dhexeynayasiyaabaha kala duduwan ee lacag loo dirsado. Halkan waxaad xitaa ka arki kartaa inta lacaga ee khidmo ahaan u lumeysa, koroon ahaan iyo boqolkiiba intaa ahaan intaba. Waxaan muujineynaa inta ay ku kaceyso in la diro 1 000, 3 000 iyo 5 000 oo koron. Lacagta adiga aad rabtid kuma buuxin kartid.