In lacag la diro imisa ayey ku kaceysaa?
Kharashka ay in lacag dibadda loo diro ku kaceyso badanaa wuu kala duduwanyahay maxaa yeelay shirkad walba iyada ayaa go’aan ka gaareysa lacagaheeda khidmada ah. Shirkadaha bixinaya adeegga dibad lacag u diriddu waxay taas ku qaadanayaan lacag khidmo ah. Marka lacag diriddu ay dhacdowaxaa xitaa la qaadanayaa lacag khidmo ah si loogu sarraffo lacagta waddanka lacagta loo dirayo. Marar badan inta lacagta khidmada ahi ay noqoneyso aadbey u kala duduwantahay.
Taas waa in aad adiguogaataa inta aadan lacag dibadda u dirin si aysan kaaga hoos bixin lacago khidmo ah:
Soo ogawinta khidmada loo qaadanayo si lacagta loo diro iyolacagta khidmadasarrafka loo qaadanayo. Shirkad raqiis ku ah lacag khidmo ah ayaa qaali ku noqon karta lacag kale oo khidmo ah.
Mar walba markaaad dooneysidin aad lacag dirtid weydii haddii kharash leyskaga qaadayo waddanka ay lacagtu ku socoto.
Ha illoobin in aad kharashaadka oo dhan isku xisaabisid. Waa inta lacag ah ee meesha soo gaareysa waxa muhiimka ah.
Isku xisaabikharashaadka oo dhan:
Lacagta khidmada ahee lacag diridda
Lacagta khidmada ah ee sarrafka, waxa loogu yeero lacagta khidmada sarrafka
Kharashaadka qaadashada