In akoon la furto/In bangiga qofka la yahay loo caddeeyo
Marka aad akoon furaneysid waa in bangigu uu hubiyaa qofka aad tihid. Sababta ay khasab u tahay in bangigu uu taas sameeyo oo uu xitaa su’aalo macaamiisha u weydiiyo waa in cidna aysan, iyadoo bangiga adeegsaneysa, u sameynin wax sharci darro ah sida tusaale ahaan lacag dhaqid.
Bangigu wuxuu qaadayaa laba tallaab si uu u koontaroolo aqoonsigaaga:
Marka hore waxaad sheegeysaa magacaaga. Taasi waa si uu bangigu u ogaado haddii aad leedahay mawqif siyaasadeed oo keenaya in aad khatar ugu jirtid in tusaale ahaan lagaaga faa’iideysto dembi laaluush. Bangigu wuxuu xitaa doonayaa in uu baaro waxyaabo kale oo khatar iyaga ku noqon kara.
Dabadeed wuxuu bangigu doonayaa in uu arko qofka aad sheeganeysid in aad tihid. Sidaas wuxuu bangigu ku sameyn karaa siyaabo kala duduwan. Waraaqaha swiidhishka ee aqoonsiga ee soo socda ayaa la oggolyahay:
Leysin gaari oo swiidhish ah
Baasaboor swiidhish ah
Kaar aqoonsi oo swiidhish ah (legitimation) oo ay hey’ad swiidhish ahi qofka siisay.
Kaar kale oo swiidhish ah oo aqoonsi oo la aqoonsanyahay.
Haddii aadan heysan waraaqo aqoonsi oo swiidhish ah wuxuu bangigu eegayaa in aad heysatid waraaqo aqoonsi oo dibadda ah. Waxay tusaale ahaan noqon karaan:
Baasaboor ajnabi ah
Waraaq kale oo aqoonsi. Waxaa muhiim ah in baasaboorka ama waraaqda aqoonsigu ay leeyihiin sawir ku sugaya iyo macluumaad ku aaddan muwaadinnimadaada. Waa in baasaboorka ama waraaqda aqoonsiga aad ka qaadatay hey’ad dowladeed ama cid kale oo ehel u ah in ay soo saarto.
Haddii aadan heysan haba yaraatee wax baasaboor ah ama waraaq aqoonsi ah waa in bangigu uu sidaas oo ay tahay koontaroolaa qofka aad tihid. Haddii aadan heysan waraaq aqoonsi oo shaqeyneysa wuxuu bangigu aqoonsigaaga ku hubinayaa dukumiinti kale oo lagu kalsoonaan karo iyo koontaroollo kale. Waxa ay taasi ka dhigantahay maaha wax go’an ee waxay noqon karaan waxyaabo kala duduwan xaaladba xaalad, waxay ku xirantahay sida uu bangigu u arko khatarta uu kalyantiga cusubi uga dhiganyahay. La hadal bangiga iyagaa markaas ku siin kara talooyine. Haddii aadan heshiinnina oo laguu diido akoon-bangi waxaad u gudbi kartaa Guddiga Guud ee Ashtakooyinka (Allmänna Reklamationsnämnden) oo arrinkaaga si lacag la’aan ah u eegaya.