Waxan ayaad ku arki kartaa is barbar dhigidda sicirka
Bogga is barbar dhigidda qiimaha waxaad ka arki kartaa shirkadaha ugu waaweyn ee bixinaya adeegga lacag u diridda waddamada lacagta loo diro ee aan baarno. Waxaan muujineynaa seddax tusaale: in la diro 1 000, 3 000 ama 5 000 oo koron. Qofku inta uu rabo iskama dooran karo.
Cagaarku waa inta gaareysa meesha loogu tala galay
Adeeggeennu wuxuu muujinayaa inta lacagta la rabo in la diro dhab ahaan meesheedi ka gaareysa. Waa lacagta aad ka arkeysid meesha cagaaran. Meesha guduudan waxaad ka arkeysaa inta laga goostayoo ahkharashka diridda iyo sarrafka. Ku dhawaad shirkadaha oo dhan lacag khidmo ah ayey ku qaataan in ay lacagta u sarrafaan lacagta waddanka laga qaadanayo. Adeeggeennu wuxuu xitaa muujinayaa inta waqti ah ee ay shirkad walba sheegtay in ay qaadaneyso inta lacagtu ay meeshi loo baahnaa gaareyso. Waxaad liiska natiijada u kala bixin kartaa sida ay lacag diriddu u kala degdeg badantahay iyo sida ay u kala raqiisisantahay.
Seddax geesoodka kharashaadka qarsoon
Mararka aysan shirkaddu dooneyn in ay ka jawaabto su’aalaha aannu weydiinnay waxaan saarnay digniin seddax geesood ah iyo calaamadda la yaabidda. Waxay taasi ka dhigantahay in ay imaan karaan kharashaad qarsoon. Haddii aad dooratid mid ka mid ah shirkadahaas waxaa muhiim ah in aad weydiisid inta dhab ahaan lacagtaada laga dirayo Swiidhan taariikhda aad dooraneysid in la diro.
Akhriso wax dheeraad ah oo ku aaddan shirkadaha iyo adeegyada
Magaca shirkad kasta hoostiisa ayaad riixi kartaa darifka ”Mer information”. Halkaas ayaad ka akhrisan kartaa adeegyada kale ee shirkaddu ay ku bixineyso waddanka ay lacagtu ku socoto ee aad dooratay. Halkaas waxaad sidoo kale ka heli kartaa cinwaanka shirkadda ee bogga intarneetka si aad wax dheeraad ah uga akhrisatid. Waqtiga iminka ah fursad uma heysanno in aan aragno haddii kharash dheeraad ah leesaga qaadanayo waddanka lacagta loo dirayo si lacagta loo qaato. Taasna waxaa sidoo kale habboon in aad weydiisid shirkadda. Wax dheeraad ah oo ku aaddan waxan ka akhriso: Ansvar/Avgränsning